XOG: Farmaajo iyo Kheyre oo Hal Musharax Awoodooda isugu geynaya si uu u noqdo Gudoomiyaha Golaha Shacabka


Warar hoose oo ay heshay Xoghoose.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay awoodooda isugu geynayaan Hal Musharax si qof aan siyaasadooda la jaanqaadi Karin uusan ugu guuleysan Guddooomiyaha Golaha Shacabka.

Kulamo aan kala joogsi laheyn oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xafiiska Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa laga filan karaa in sida ay wax u rabaan ay u dhacaan Madaxda dalka, waxaana iyagoo ka cabsi qaba in lagala dhex baxo ay balanta kaga baxeen dhowr Musharax oo hore loogu balanqaaday in la taageerayo, waxayna ka walwalsan yihiin hadii dhowr qof lacago ku bixiyaan in Hal qof oo si weyn loo taageeray uu ka guuleysto.

 

Waxaan la ogeyn qorshaha ay wadaan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Faarax Cabdi qaadir oo ololahan wakiil kaga ah Damu-jadiid oo Musharax wato iyo Dowladaha isku garbinaya siyaasada Soomaaliya oo Musharaxiin wata.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS