Wararkii ugu danbeeyay Qarax lala eegtay gaari ciidan oo ka dhacay Afgooye & rasaas xooggan oo ka danbeysay


Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ayaa lagu soo warramayaa in qarax xoogan lagula eegtay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aasay ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Gaari Cabdi Bile oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya.

 

Waxaana la sheegay in qaraxa kadib, dagaal foola fool ah uu ka dhacay halkaasi, kaas oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda iyo koox hubeysan.

 

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ee Ciidamada dowladda ka soo gaaray qaraxaasi.

Goojooge la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Qaraxa oo miinada dhula lagu aaso lalabartilmaameedsaday gaari ciidan ka dibna halkaasi rasaas xooggan laga maqlay.

 

Wuxuu sheegay inuu khasaaro jiro,balse uusan cadeyn Karin.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS