Shariif Xasan oo helay Libin uu ku hanto Qalbiga Farmaajo & Shabaabkii K/Galbeed oo la wiiqay


Saraakiisha ciidamada xooga dalka ee gobolka Bay ayaa sheegay in ay wiiqeyn awooda dagaalamayaasha Al-shabaab.

Gaashaanle sare Nuur Magan Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ciidamada milatariga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bay ayaa la hadlay Warbaahinta wuxuuna sheegay in ay hoos u dhacday awoodii Al-shabaab, wuxuu sidoo kale tilmaamay in gacantooda laga saaray deegaano badan oo horay ay ugu sugnaayeen.

 

Gaashaanlaha ayaa dhankale sheegay in wadaan dagaal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo ay ugu saarayaan gobolada uu ka arimiyo maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

 

Deegaano badan ayay sheegeen iney ka saareen dagaalamayaasha Al-Shabaab,kuwaasi oo hadda bilaabay iney ku dhuumaaleystaan dhulka keymaha ee deegaanada ee Koonfur Galbeed.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS