Manchester City oo ku tumatay Tottenham & Rikoorada kulankaasi laga soo calaamadeeyay.


Manchester citya yaa guul darooyin is xigxiga soo gaareen todobaadkii lasoo dhaafay, marna horyaalka ayaa laga hor istaagay in ay u dabaal dagaan, marka kalana Champions league ayaa laga soo reebay, Balse caawa Tottenham ayey ku ciil baxday.

City ayaa booqatay Old Trafford iyadoo niyada ku haysa kulankii hore Manchester United in ay hanashada horyaalka u dabaal dagto.

 

Tottenham ayaa isku dayeysa in ay qeyb ka noqoto afarta kooxood ee ugu sareya horyaalka si xilli ciyaareydka soo aadan ay Champions league kaga mid noqdaan.

 

daqiiqadii 22-aad Jesus ayaa shabaqa gaaray ka hor goolka labaad inta uusan raacsan Gundogan oo ciyaarta 2-0 ka dhigay.

 

Erikson ayaa diiday ciyaarta in qeybta hore sida ay kusoo idlaato kaasoo gool rajo so celin ah kooxda u dhaliyey qeybta hore ee ciyaarta sidaasina aya lagu kala nastay.

 

Christian Eriksen afartiisa kulan ee u dambeysay dhamaan tartamada shabaqa ayuu so taabtay kasoo wadar ahaan shan gool dhaliyey, waana markiisa ugu horeesay uu sidaasi sameeyo xiddigan.

 

Raheem Sterling ayaa rajada Tottenham ceel dheer kusii riday ka dib markii uu ciyaarta ka dhigay 3-1 in City ay ku hogaamiso.

 

Sterling waxaa uu dhaliyey goolkiisa 22-aad ee xilli ciyaareydkan ee kooxda Manchester City kaasoo sare u kac sameeyay labadii xilli ciyaareyd ee lasoo dhaafay goolasha uu dhaliyey dhamaan tartamada  (11-gool xilli ciyaareydyada 2014/15 iyo 2015/16).

 

Tottenham waxaa garoonkeeda looga dhaliyey saddex gool horyaalka EPL waana markii ugu horeysay tan iyo March 2015 ciyaar kusoo idlaatay (Tottenham 4-3 v Leicester City).

 

City ayaa 3-1 kaga adkaatay Tottenham kulan aysan u dhiaatoonin natiijada ciyaarta maadama qeybtii horeba ay shaqeybteen ciyaaryahanda, si kastaba Tottenham waxa ay qalqal ka gali kara usoo bixida tartanka champions league hadii labo kulan haatan soo aadan laga adkaado.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS