Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad “Indho Cadde” ayaa kaga hadlay khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Indho Cadde ayaa ugu horreyn sheegay in dowladda Imaaraadka Soomaaliya ay ku timid qaab u eg Maseer, iyada oo ku dayaneysa dowladda Turkiga, sida uu hadalka u dhigay.
Waxaana uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay tallaabo ka qaadaan cidkasta oo taageerta Imaaraadka, si aysan dalka ugu abuurin jahwareer siyaasadeed.
HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO