XOG: Guddoomiye Yariisow oo gacanta ku haya Liiska magacyada Guddoomiyeyaasha cusub ee G/Banaadir


Warar hoose ay heshay Xoghoose.com ayaa sheegaya in la dhameystiray qorshihii xilka looga qaadi lahaa Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Illo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in Guddoomiye Yariisow gacanta uu ku hayo Liiska magacyada Guddoomiyeyaasha cusub iyo ku-xigeenadooda,waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wasiirka Arrimaha gudaha oo dhawaan shir la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa ubalan qaaday inaan jiri doonin wax la yiraahdo xil ka qaadis,taa badalkeedna howshooda si wanaagsan u gutaan.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa horay waxaa u magacaabay guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa hadda godkooda biyo ugu soo galay.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS