Wasiir ka tirsan XFS oo sharci halis ku ah Burcad badeeda Somalia diyaariyay & Kheyre oo amaanay


Kadib shir looga hadlayay arrimaha Burcadbadeeda iyo ammaanka Xeebaha Soomaaliya oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa Wasiirka Cadaaladda XFS Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji waxa u sheegay in Wasaaradiisu ay diyaarisay qorshayaal looga hortagayo weerarada kooxaha Bucadbadeeda.

Wasiirka ayaa xusay in Wasaaraddu ay diyaarsay sharci gaar ah oo ku aadan arrimaha Bucadbadeeda Soomaalida iyo Afduubka ka dhaca Xeebhaha dalka.

Waxaana uu tilmaamay in sharcigaasi ay la wadaagi doonaan maamulka goboleedyada dalka, kadibna la hor geyn doono Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, si ay u meel mariyaan Hindise Sharciyeedkaasi.

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida,ayaa Qatar ku haya Ammaanka xeebaha Soomaaliya iyo Maraakiibta shixnadaha ganacsiga iyo gargaarka sida.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS