Baadi goobka Saraakiil Shabaab oo caawa ka socda Baraawe ka dib Qaraxii dhimashada badnaa


Wararka caawa naga soo gaarayo degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada amaanka xaafadaha degmadaasi ay ka baadi goobayaan Saraakiil Shabaab oo xilli habeenkii si dhuumaaleysi ku yimaada.

Qaar ka mid ah saraakiisha la baadi goobayo oo magacyadooda la hayo,ayaa ciidamada waxay mid mid u galayaan guryaha iyagoo su’aalo weydiinaya dhalinyarada xaafada.

Xog ay heleen Ciidamada amaanka ayay ku bilaabeen howlgalka,waxaana xaafadaha xilliyada habeenkii ah lagu arkayaa Ciidamo hubeysan oo afka u duuban yahay kuwaasi oo dadka iyo gaadiidka baaraya.

Maalmo ka hor ayay markii Miino dhulka lagu aasay ay ka dhacday garoon Kubbadda cagta lagu ciyaaro oo ku yaalo bartamaha degmada taasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS