Afarta naadi ee Semi Finaalaha Championka isugu hareen iyo xiliga loo qori tuuri doono


Kooxaha Real Madrid, Bayern Munich, Liverpool iyo AS Roma ayaa isugu soo hareen nus dhamaadka koobka horyaalada Yurub.

Dalalka Spain, Talyaani, Jarmalka iyo Ingiriis oo min hal naadi ka socdaan ayaa Jimcada 13-ka April 2:00 duhurnimo xiliga geeska Afrika loo qori tuuri doonaa.

 

Real Madrid oo koobka difaacaneyso waxay dooneysaa sedex sano oo xariir ah inay qaado koobka horyaalada Yurub waxaana ugu dambeesay Bayern Munich oo sidaas sameeyay sanadihii 1974, 75 iyo 76.

 

Bayern Munich oo 5-jeer ku guuleesatay tartankan hal sano kadib ayay nus dhamaadka kusoo laabteen waxaana ugu dambeesay hanashadiisa sanadii 2013.

 

Liverpool 10-sano kadib ayay Semi Finaalaha kusoo laabteen waxayna ku guuleesteen tartankan 5-jeer markoodii ugu dambeesay waxay hanteen sanadii 2005.

 

AS Roma sanadii 1984 ayaa ugu dambeesay inay tartanka Semi Fiinaal kasoo gaareen isla sanadkaan Fiinaal ayay u gudbeen balse nasiib daro Liverpool ayaa ka qaaday waligoodna koobkan ma aysan hananin

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS