Real Madrid iyo Bayern Munich oo Semi Finaalaha Champion-ka usoo baxeen iyo niyad jabkii Juve ku dhacay

Cristiano Ronaldo ayaa rigoore muran ku dheehay u dhaliyay Real Madrid waqtigii dhimashada taasi oo xaqiijisay Madrid inay nus dhamaadka Champion-ka usoo baxeen inkastoo 3-1 looga badiyay.

 

 

 

Juventus ayaa sameesay soo laabasho geesinimo ku dheehan madaama daqiiqadii 2-aad cayaarta Mandzukic hogaanka u dhiibay sidoo kalena cayaarta 2-0 ka dhigay daqiiqadii 37-aad.

 

Qaybta hore waxaa nasiino la aaday Real Madrid oo wareersan loona maleeyay inaysan joogin garoonkeeda Bernabue.

 

Markii la isku soo laabtay Blaise Matuidi ayaa cayaarta 3-0 ka dhigay daqiiqadii 61-aad sidoo kalena isku darka goolasha 3-3 ka dhigay labada lug.

 

Juve ayaa aamintay inay Real Madrid gurigooda ku reebi karaan sidoo kalena fursado dheeraad ah heleen balse gool u badali waayeen.

 

Kulankaan oo la islahaa 30-daqiiqo dheeraad ah ayaa lagu dari doonaa waxaa Juventus qaljib aysan kasoo kabin karin ku riday garooraha reer England Micheal Olivier oo rigoore Madrid u dhigay kadib markii Benatia uu gadaal ka riixay Vasquez oo xerada ganaaxa ku jiro daqiiqadii 94-aad.

 

Kabtan Buffon ayaa garsooraha la dooday waxaana loo taagay casaan taasi oo muranka sii xoojisay.

 

Rigooradii Madrid loo dhigay waxaa gool u badalay si geesinimo ku dheehan Ronaldo oo darbad xoogan shabaqa la helay wuuna qaban waaya goolhaye Wojciech Szczesny madaama kor laga siiyay!

 

Cayaarta ayaa 3-1 kusoo idlaatay sidoo kalena Real Madrid ugu soo gudubtay Semi Fiinaalaha Champion-ka inkastoo guuldaro ay la kulmeen hadana waxay kusoo baxeen 4-3 isku darka goolasha labada lug.

 

Dhinaca kale Bayern Munich ayaa nus dhamaadka Champion-ka usoo baxday kadib markii ay 0-0 la dhaafi waayeen Sevilla kulan ka dhacay Allainz Arena.

 

Bayern ayaa isku darka goolasha 2-1 kusoo baxday madaama ay lugtii hore gudaha Spain kusoo badiyeen.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS