Maxey kusoo dhamaadeen ciyaaraha Xalay ee koobka Champions League? – City oo hogaanka heysa iyo Roma oo ka naxsatay Barcelona.

Kulamo xiiso leh ayaa caawa ka jira koobka horyaalada yurub, waxaana soo dhamaaday qeybta hore kulamada labada ah ee lugta labaad wareega quarter final-ka Champions League, waxaana lagaad diiwaan galiyay natiijooyin kala duwan.

 

 

 

Kulanka Etihad Stadium ayaa ah kan isha lagu wada hayo, waxaa gool ku hogaaminaya Manchester City oo daqiqadahii ugu horeeyay kulanka gool ka heshay Gabriel Jesus, sidoo kalana waxey sameeyeen dadaal aan caadi aheyn.

 

Bernardo Silva ayaa birta kubad ku garaacay kadib markii uu si qurux badan uga xariiftamay laba ka mid ah xidigaha Liverpool, balse uma suuragalin inuu gool ka dhigo.

 

Wiilasha Guardiola waxey sameeyeen wax walba, balse qeybtii hore wey dhaafin waayeen 1-0 iney hogaanka ku qabtaan.

 

Dhinaca kale Barcelona ayaa hogaanka laga hayaa kulanka Olympico ay kula ciyaareyso kooxda Roma, gool uu dhaliyay Dzeko ayaana looga hogaaminayaa taasoo qatar weyn ku noqon karta.

 

Ugu dambeyn natiijoyinka ciyaarahii xalay ayaa kusoo dhamaaday sidaan hoose

 

Qeybta hore iyo natiijooyinka:

 

Man City 1 – 2 Liverpool

 

Roma 3 – 0 Barcelona.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS