Barcelona oo ka talabsatay Leganes kulan Lionel Messi uu sadex gool dhaliyay


Barcelona ayaa guul muhiim ah ka gaartay Leganes kulanka xiisaha leh oo ka dhacay Camp Nou iyagoo u mahad celinaya Lionel Messi oo si weyn uga dhex muuqday kulanka.

Barcelona waxey aheyd kooxda inta badan ciyaarta maamulkeeda heysay, waxeyna daqiiqadii 27-aad gool ka heshay Lionel Messi, mar kale ayuuse shabaqa soo taabtay daqiiqadii 32-aad isagoo caawinaad ka helay Philippe Coutinho.

Qeybtii labaad ayuu Messi goolkiisii sadexaad ee ciyaarta dhaliyay kaas oo qalbi jabiyay jamaahiirta Leganes ee soo xaadiray Camp Nou, waxaana caawiyay Ousmane Dembele.

Weeraryahanka reer Argentina wuxuu haatan si wacan u hogaaminayaa tartanka gooldhalinta isagoo leh 28-gool, wuxuuna 6-gool ka sareeyaa Ronado oo berito la ciyaraya Atletico Madrid.

 

Natiijada waxey ku dhamaatay 3-1 iyadoo Barcelona ay 12-dhibcood ka sareyso Atletico Madrid oo berito la ciyaareysa Real Madrid.

 

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS