Warar Ku Saabsan Dhaawaca Mohamed Salah & Rajada Laga Qabo Soo Kabashadiisa


Liverpool ayaa qiimeyn doonta dhaawaca Mohamed Salah ka dib markii lagu qasbay inuu ka baxo garoonka qeybtii labaad ciyaartii 3-0 kooxdiisa kaga badisay Manchester City.

Xiddiga Masar ayaa goolka furitaanka u dhaliyay Liverpool kulankii Anfield, laakiin daqiiqadii 52aad ayaa lagu bedelay ciyaaryahanka khadka dhaxe ee Georginio Wijnaldum.

 

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in Salah xaalad fiican kujiro, laakiin weeraryahanka ayaa shaki laga qabaa inuu ku lug yeesho ciyaarta Merseyside derby Liverpool ku wajaheyso sabtida Everton.

 

Klopp ayaa yiri: “ma aqaano waxa ku dhacay iyo inta ay la egyihiin, laakiin waxaan bedelay markii aan oganay inuu halis geli karo.

 

“Xaaladiisa waxay ku fiican tahay in la weydiiyo dhakhtarka, laakiin inaan ka saarnay garoonka waxay aheyd wax fiican.

 

“Ka dib ciyaarta waxaan waydiiyay isaga xaaladiisa, wuxuu ii sheegay inuu fiican yahay ” Laakiin hadda waa inaan sugnaa baaritaanka iyo waxa kaoso baxa” ayuu yiri Klopp.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS