Saaxiibadii Hore Ee Arsenal Theo Walcott Iyo Alex Oxlade-Chamberlain Oo Safar Lama Filaan Ah Ku Kulmay


Theo Walcott iyo Alex Oxlade-Chamberlain oo xilli ciyaareedkii hore kawada tirsanaa Arsenal ayaa xalay markale ku kulmay gobolka Merseyside.

Oxlade-Chamberlain ayaa lix sanno oo uu joogay Waqooyiga London kadib ku biiray Liverpool xagaagii hore, halka Walcott uu ku biiray kooxda ka dhisan Merseyside ee Everton bishii Janaayo, markaasoo uu soo gabagabeeyay 12 sanno oo uu joogay Gunners.

 

Ka hor inta aysan bilaabanin ciyaartii Liverpool iyo Manchester City labada xiddig ayaa ku midoobay safar taksi ah oo ay ugu socdaalayeen magaaladooda cusub.

 

Oxlade-Chamberlain iyo  Theo waxay ka soo wada bilaabeen xirfadooda kooxda U14 Southampton, ka hor inta aysan ku biirin Arsenal.

 

Walcott ayaa yiri: “Waxaan kaliya ku faraxsanahay inaan la kulmay Alex oo waqti fiican kujira, waxaan wada qaadanay safar gaaban oo qurux badan.

 

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS