Pep Guardiola Oo Weerar Ku Qaaday Baleyska Liverpool Kadib Guuldarradii Kooxdiisa


Pep Guardiola ayaa ku dhaleeceeyay Ciidamada Boliiska qaabka ay u dayaceen amniga ciyartooyda kooxda Manchester City ka hor kulankii Champions League ee Anfield.

Baskii waday ciyaartooyda ayaa lagu weeraray dhalooyin xili ay kusoo jeedeen garoonka ciyaartu ka dhaceysay, taasoo keentay in qalqal amni uu soo galo ciyaartooyda.

 

Tababare Guardiola ayaa soo bandhigay sida ay kaga xun yihiin koox ahaan dayacaada ay sameeyeen ciidamada amaanka ka hor ciyaartii ka dhacday Anfield.

 

Guardiola u sheegay BT Sport. “Sida caadiga ah marka bilaysku ogaado inay dhacdo noocaaan ah jirto, waxay aheyd inay ka taxadaraan sidii aysan ku dhici laheyn.

 

“Sidaasi darteed ma fileynin in taageerayaasha kooxda Liverpool u dhaqmi karaan sidii foosha xumeyd ee xalay’” ayuu hadalkiisa raaciyay Guardiola.

 

“Baska waa la burburin karaa, laakiin ma fileynin koox sida Liverpool in sidaas sameyn kartay, kooxda kuma faraxsana, laakiin waxaan rajetnayaa inaysan markale dhicin tan oo kale.

 

Liverpool ayaa 3-0 ku garaacday Manchester City oo marti ku aheyd garoonka Anfield.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS