Liverpool oo khibrad u sheegatay Manchester City kulan goolal dhaqso ah laga dhaliyay.


Liverpool ayaa layaab ku dhigtay dhigeeda Manchester City kulanka xiisaha badan ee quarter final-ka Champions League lugtiisa koowaad – waxeyna aheyd ciyaar layaab la dhigay.

Liverpool si waalli ah ayey ku bilowday ciyaarta, waxeyna ciyaartoydooda heleen sadex gool oo ay kala dhaliyeen Chamberlain, Mohamed Salah & Sadio Mane, waxaana goolashaan caawiyeyaal ka ahaa Salah oo caawiyay Mane, xidiga la yiraahdo Milner oo caawiyay Chamberlain iyo Firmino oo caawiyay Salah.

 

Ciyaarta waxey aheyd mid aan sinaba loo saadaalin, mar walba Reds waxey aheyd mid duulaan ah iyadoo Citizens aysan wac macno ah ka sameynin kulanka xiisaha leh ee caawa.

 

Qeybta labaad ee ciyaarta waxaa dhaawac garoonka uga baxay Mohamed Salah iyadoo Guardiola uu isbadalo fiican sameeyay, balse nasiib xumo uma suuragalin iney wiilashiisa hal gool keenaan.

 

Natiijada ciyaarta waxey ku dhamaatay 3-0, iyadoo Reds ay hal lug la gahsay Semi final-ka tartanka Champions League.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS