Sir Alex oo ka banaanka soo dhigay taladdii uu siiyay wiilka Man United usoo baxay Scott McTominay


Cayaaryahanka Man United khadka dhexe uga cayaaro Scott McTominay ayaa aqoonsi ka helay gudaha Old Trafford sidoo kalena xili cayaareedkan qaybihiisa dambe kooxdiisa joogto ugu cayaarayo.

Haddaba macalinkii hore Man United Sir Alex Ferguson ayaa banaanka soo dhigay taladdii uu siiyay Scott McTominay markii ay garoonka Old Traffrord isku arkeen bilooyin ka hor.

 

Sir Alex wuxuu yiri “Waxaan Scot kala taliyay inuu doorto xulka Scotland waayo aabihiis ayaa jeclaa marwalbo in wiilkiisa Scotland u cayaaro”

 

Scott McTominay oo 21-jir ah inta uusan dhawaan xulka Scotland dooranin waxaa lagu qal qaalinayay inuu xulka Ingiriiska doorto balse taladdii uu Sir Alex siiyay ayuu qaatay.

 

Sir Alex oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Aadban ugu adkaan laheyn Scot inuu dalkiisa ku laabto aabihiis la kulmo kadibna uu ku dhaho xulka England ayaan u cayaaraa”

 

Ugu dambeyntii Sir Alex Ferguson ayaa saxaafada u sheegay in Scott McTominay wax weyn Man United u qaban doono sidoo kalena da’da u jiro iyo kubada uu cayaarayo farqi weyn u dhaxeeyo.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS