Sir Alex oo ka banaanka soo dhigay taladdii uu siiyay wiilka Man United usoo baxay Scott McTominay


Barcelona ayaa lagu soo waramayaa iney aad u xiiseyneyso saxiixa daafaca bidix ee xulka qaranka France & kooxda Atletico Madrid Lucas Hernandez sida ay sheegayaan warbixinoka imaanaya Spain.

 

22-jirkaan kasoo baxay akadeemiga Atletico Madrid ayaa xilli ciyaareedkaan noqday mid muhiim ah maadaama uu 22-jeer kasoo muuqday ciyaaraha kooxdiisa xilli ciyaareedkaan 2017-2018.

 

Lucas Hernandez heshiiska uu kula jiro kooxda Atletico Madrid wuxuu dhamaanayaa xagaaga 2022, balse Don Balon ayaa shaacineysa in xidigaan uu xiiso ka helayo Balaugrana.

 

Lucas wuxuu kusoo baxay daafaca bidix oo heer sare ah maadaama uu si wacan ugu ciyaaray kooxda, 20-kulan ayuu kasoo muuqday 29-kulan oo ka mid ah ciyaaraha kooxda ee horyaalka La Liga.

 

Real Madrid ayaa goor hore la wareegtay walaalkiis Theo Hernandez kaas oo xagaagii lasoo dhaafay maaliyadda badashay.

 

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS