Macalin Zidane oo ka fikiraayo Benzema ama Bale midii uu kusoo bilaabi lahaa kulanka Juve


Macalin Zinedine Zidane waxaa ka fikiraayo hal talaabo inuu qaado kulanka Talaadada ay Juventus la caayarayaan Champion-ka wareega 8-aad lugta kowaad.

Zidane ayaa laga soo xigtay in Grathe Bale uu bandhig heer sare la yimid sidoo kalena Benzema uu yahay weeraryahanka kowaad Real Madrid balse labadooda mid uu Talaadada kusoo bilaabi doono.

 

Real Madrid oo lugta kowaad Champion-ka safar ah macalin Zidane BBC garoonka ma wada keeni dooni si kooxdiisa difaaca u adkeesato madaama lugta labaad Bernabue lagu kala bixi doono.

 

Cristiano Ronaldo ayaa weerarka Madrid hogaamin doono Talaadada halka Bale iyo Benzema mid lagu soo bilaabi doono midka kalena keydka la dhigi doono.

 

Macalinka reer France ayaa sheegay inay ku adkaan doonto kala doorashada Bale iyo Benzema balse wuxuu qirtay in go’aanka ugu dambeesay isaga lahaan doono midka garoonka galaayo laakiin saxaafada aysan waxba u tilmaami karin.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS