Conte oo sugi weesay in Chelsea laga racadeeyo waji gabaxa heesto awgeed!


Macalin Antonio Conte kooxdiisa Chelsea kulankii ugu dambeeya guuldaro 3-1 waxay kala kulantay Tottenham oo mudo 28-sano kadib Stamford Bridge guul ku gaartay.

Chelsea oo horyaalka Ingiriiska difaacaneyso waxay qarka u saaran tahay inaysan ka mid noqonin afarta naadi EPL ugu sareeyo xili cayaareedkan.

 

Qof aad ugu dhow tababare Conte ayaa The Mirror u sheegay in macalinkan uu isaga is ceebsaday fashilka kooxdiisa ku dhacay sidoo kalena uu rabi lahaa in xili hore shaqada laga racadeeyo.

 

Maamulka Chelsea waxaa saaran cadaadis xoogan ayagoo weli isku raacin Conte oo taageerayaasha iyo cayaartooyda dhibsadeen kooxda laga racadeeyo.

 

Sidoo kale Gialnuca Vialli oo horey Conte isku koox Juve ku ahaan jireen macalina usoo noqday Chelsea wuxuu yiri “Antonio waan ka xumahay xaalada uu ku jiro, hadda ma sugi karo in shaqada Chelsea laga diro waayo fool xumo uusan waxba ka qaban ayuu bartanka kaga jiraa.”

 

Sidoo kale labada xidig Stamford Bridge ugu awooda badan Thibaut Courtois iyo Eden Hazard diyaar uma ahan inay heshiis cusub saxiixaan madaama ay u badan tahay Blues inaysan xili cayaareedka dambe Champion-ka cayaari doonin sida hadda xaalka yahay hadii wax lagu saleeyo.

 

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS