Bayern Munich Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegeysa James Rodriguez & Qiimihiisa Oo La Shaaciyay


Bayern Munich ayaa diyaar u ah inay dalab rasmi ah ka gudbiso ciyaaryahanka amaahda ugu ciyaara balse ay leedahay Real Madrid ee James Rodriguez.

kooxda Bavarians ayaa goor hore go’aanatayn inay bixiso qiimaha lagu iibsan karo ciyaaryahankaan oo ah 42 milyan euro.

 

Real Madrid ayaa u ogolaatay kubadsameeyahaan inuu ugu wareego kooxda ka dhisan Germany labo sano oo heshiis amaah ah xagaagii hore, waxaana Bayern ay bixineysaa 13 milyan euro oo mushaarkiisa ah.

 

Ciyaaryahanka  oo bandhig soo jiidasho leh sameynaya tan iyo markii uu u dhaqaaqay Germany ayaa haatan dalab rasmi ah waxaa ka gudbiyay kooxda Bayern Munich.

 

Bayern waxay doonayaan inay si jogta ah ula wareegaan xiddiga qadka dhaxe ee Colombia, kaasoo hore ugu fashilmay nolosha Madrid.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS