Xukuumadda Somalia oo Sheegtay in Dhaqaalo badan la siinayo M/Gobaleedyada, Ogow Sababta


Iyadoo laga duulaayo hadafka ah shaqaaleysiinta dhalinyarada Soomaaliyeed, ayaa Xukuumadda waxa ay sheegtay maamul Goboledyada dalka in laga rabo soo dalbashada dhaqaale ku aadan shaqo abuur loogu sameyo Dhalinyarada ku nool Gobolada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Qorshuhu waxa uu yahay in Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay soo Codsadaan Lacag lagu horumarinayo Goboladda iyadoo ay Caddahay shaqada lagu qabanayo.

 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Craxmaan Ducaalle Bayle oo Codka Xukuumadda ku hadlayey ayaa sheegay in qorshahaan la rabo in uu u dhaco qaab daah furan.

 

Wasiir Bayle ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay dhaqaalaha u kordhin doonto Maamulkii si hufan ugu shaqeeya dhaqaalaha Hormarinta iyo Shaqa abuurka loogu talagalay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowr sheegtay in qaadayso tallaaba kasta oo shaqa abuur dhalinyarada Soomaaliyeed loogu sameyn karo iyagoo jooga deeganadooda

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS