XOG: Shabaab oo duulaanka DF & AMISOM kaga jawaabaya tallaabo halis ku ah dadka Rayidka ah


Ururka Al-Shabaab oo culeys dhanka Militariga ah ka heysto Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay iney miino ku aasaan dhamaan wadooyinka soo gala iyo kuwa soo gala deegaanada ay ka joogaan Gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM iyo Ciidamo Mareynkanka oo dhanka farsamada ka caawinaya ayaa dagaal dhul sifeyn ah ka bilaabay Gobolo ka tirsan Soomaaliya gaar ahaan Shabeellooyinka ku teedsan magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Culeyska Militari ee fuulay Al-Shabaab ayaa laga yaabaa inuu ka dhasho khasaaro lixaad leh oo soo gaara Ciidamada Dowladda iyo dadka shacabka ee iyagu aan shaqo ku lahayn dhinacyada isheysta,maadama Shabaab taatikooyin badan isticmaalayaan.

 

Dadka deegaanka Awdhiigle iyo Mubaarak ayaa sheegay in Al-Shabaab miinooyin ku aaseen wadooyin badan oo muhiim u adeegsida dadka iyo gaadiidka,islamarkaana ay sababi karto khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ururka Al-Shabaab ayaa u tureyn shacabka dana ka lahayn dhibaatada soo gaarta,maadaama miinada keliya dadka ay la damacsan yihiin waxyeelo ka soo gaareyn.

 

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ayaa shalay dagaal ku qaaday deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha halkaasi oo ay ku xooganaayeen Al-Shabaab.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS