XOG: Khilaaf ka taagan Heshiis Maamulka S/land uu la gaaray shirkad laga leeyahay Imaaraadka


Khilaaf xoog leh oo u dhexeeyo siyaasiyinta Mucaaradka iyo Madaxda Maamulka Soomaaliland ayaa la sheegaya inuu ka dhashay heshiis xukuumaddaas ay lagahay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka  ah ee Wadi C/raxmaan Cirro  ayaa ka digay heshiis ay xukuumadda Soomaailand la saxiixatay shirkad fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka isku  tagga Imaaraadka Carabta.

 

Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in xukuumaddu ay  ka taxadarto heshiisyada ay la galeyso shirkadaha Ajaaniibta ah , waxaanauu tilmaamay in shirkada heshiiska lala galay lagu sheegay inay tahay shirkad Saamileey ah balse aan xog buuxda lagaheyn ujeedkeeda rasmiga ah iyo waxa ay qabanayso .

 

C/raxmaan Ciirro ayaa sheegay in shirkadaha qaar ay yihiin kuwa Tuugo sharciyeeysan ah oo doonaya inay gurtaan qeyraadka Soomaaliland sida uu tilmaamay sidaas darteedna loo baahan yahay in xukuumadda aana ku deg degin heshiisyada caalamiga ah .

Ugu dambeyn xukuumadda Soomaaliand gaar ahaan wasaaraddaarimaha dibadda ayuu ugu baaqay inay xilka iska casisho , waxaana madaxweynaha Somaliland uuse Biixi Cabdi uu ugu baaqay in hadii aanay xukuumaddu is casilin uu isaga xilka kaqaado si loosoo soo dhiso xukuumad qabata howlo wanagsan oo lagu amaani karo sidauu sheegay .

 

Muuse Biixi ayaa dhowaan la kulmay mucaradka Somaliand oo dhalii badan ka qabay amulkisa hase ahaatee markii dambe heshiis ku kalatagay inkastoo wali tabashadaMucaradka ay tahay mid taagan gaar ahaan xisbiga wadani oo doorashadii sanadkii hore looga guuleytay .

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS