XASAASI: Dowlada Mareykanka oo war kulul ka soo saartay arin ay sameysay Somaliland


Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa cambaareysay xarigga Maamulka Somaliland u geystay wiil iyo Gabar ay ku xirtay Magaalada Hargeysa.

Maamulka Somaliland ayaa xiray Gabar lagu magacaabo Naciimo Axmed Ibraahim (Qorane) iyo Maxamed Keyse Maxamuud,kuwaas oo Somaliland u heysato in ay aaminsanyihiin aragtida Somaliweyn.

 

Labada Qof ee dhallinyarada ah ayaa ka soo jeeda degaannada Somaliland waxaana Naciimo ka mid tahay dhallinyarada gabya ee jecel midnimada Soomaaliya halka Keyse Somaliland ku heysato buug uu ka qoray Madaxweynaha Soomaaliya oo uu ku bogaadinayay.

 

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya war ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku cambaareysay xarigga dhallinyaradaas waxaana xukuumadda Somaliland ugu baaqday in ay ilaaliso xorriyadda hadalka.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Hal Jawaab : XASAASI: Dowlada Mareykanka oo war kulul ka soo saartay arin ay sameysay Somaliland

  1. axmed says:

    War meesha afar odey, e Siyaad barre jaasuus u ahaan jirey ayaa shacabka xoog ku haysta, waa in laga xoreeyaa Xaaraanta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS