Muxuu ka aaminsan yahay Ivan Rakitic laacibka ay isku kooxda yihiin ee Lional Messi?.


Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Ivan Rakitic ayaa ku tilmaamay xiddiga ay isku kooxda yihiin Lionel Messi inuu yahay taariikhda xidiga ugu fiican, kubada cagta.

 

Messi, oo 30 jir ah, ayaa u muuqda inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee waqtiga oo dhan, isagoo shan jeer ku guuleystay Ballon d’Or, waxaana u raaca inuu ku guuleystay sided jeer oo LaLiga ah, iyo afar Champions League.

 

Rakitic ayaa marka hore u mahadceliyay saaxiibkiisa Barca, isagoo sheegay in xiddiga reer Argentina uu ciyaarta ku go’aamin karo waqti yar.

 

“Waa kan ugu fiican taariikhda, awood ayuu u leeyahay, inuu ciyaarta go’aamiyo, waa uu xishood badan yahay sababtoo ah wuxuu ogyahay in qof walba uu daawanayo.” ayuu ciyaaryahanka reer Croatia u sheegay Antena 3.

 

Rakitic ayaa Barca uga soo biiray Sevilla 2014, waxaana uu ka caawiyay kooxda reer Spain inay ku guuleysatay labo LaLiga iyo Champions League.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS