Tababare Zinedine Zidane oo qirtay iney wiilashiisa si fiican isugu diyaariyeen kulanka Paris Saint Germain.


Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa qiray iney isku diyaariyeen kulanka adag ee ay arbacada la ciyaari doonaan Paris Saint Germain, kulan ka tirsan wareega 16-aad ee Champions League.

 

Los Blancos waxey 5-2 ku xasuuqday Sociedad kulan ka tirsan La Liga, waxeyna fariin dadban u aheyd Paris Saint Germain oo ay kulanka xiga wajahayaan, waana kulanka ugu weyn ee isha lagu hayo.

 

Zidane wuxuu ka dhawaajiyay iney muhiim tahay qof walba inuu diiradda saaro kulanka arbacada sidoo kalana ay ugu yaraan xil isi saarto qof walba oo qeyb ka noqda ciyaarta.

 

“Waan ogahay cidda ciyaari doonta arbacada, dhamaanteen waan isku diyaarinay, waana waxa ugu muhiimsan, waxaan u baahanahay inaan ka fakarno arbacada, qof walba waxey u tahay tartan adag”

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS