Inuu Yahay Tababaraha Ugu Fiican, Mustaqbalka De Gea & Arimihii Kale Ee Uu Kaga Hadlay Mourinho Shirkiisa Jaraa’id


Goolhayaha Manchester United De Gea ayaa weli lala xiriirinayaa kooxda reer Spain ee Real Madrid, iyadoo tababaraha United Jose Mourinho uu cadeeyay inaysan iibin doonin goolhayahooda.

 

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inaysan macquul aheyn in kooxda ka ciyaarta horyaalka Premier League ay iska iibiso bartilmaameedka ugu sareysa Real Madrid ee David de Gea.

 

De Gea ayaa weli lala xiriirinayaa kooxda ka dhisan La Liga, kadib markii uu ku dhawaaday u dhaqaaqista Spain sannadkii 2015kii.

 

27 jirkaan ayaa dib u dhigay wadahadalo uu qandaraaskiisa ugu kordhinayo kooxda ku ciyaarta Old Trafford, laakiin Mourinho ayaa cadeeyay inaysan kooxdu iibin doonin xiddiga reer Spain.

 

Tababaraha reer Portugal ayaa su’aalo dhowr ah la weydiiyay intii uu kujiray shikiisii jiraa’id ee ka horeeyay ciyaarta galabta ee Newcastel, waxa uuna sheegay inaysan jirin sabab ay kooxdiisu Man United ku fasaxdo goolhaye De Gea.

 

“Ma waxaad u maleyneysaan in kooxdu iibineyso xidigaheeda ugu wanaagsan.”ayuu yiri tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho.

 

Mourinho ayaa aaminsan in kooxdiisu ay awood u leedahay inay soo jiidato markasta ciyaartoyda ugu sareeya suuqa kala iibsiga.

 

 

 

“Haddii aad dooneyso inaad gaarto heer wanaagsan waa inaad soo jiidataa ciyaartoyda ugu fiican sida Alexis Sanchez, Nemanja Matic iyo Paul Pogba.

 

De Gea ayaa kooxdiisa ka caawiyay inay kaalinta labaad kaga jirto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, inkastoo ay 16 dhibcood ka hooseeyaan kooxda hogaanka heysa ee Manchester City.

 

Waxay soo yareen karaan farqiga u dhaxeeya iyaga iyo City haddii ay badiyaan kulanka ay maanta la ciyaarayaan Magbies-ka.

 

Kooxda Mourinho ayaa sidoo kale wali kujira tartamada FA Cup iyo Champions League, waxaana ay ku wajihi doonaa Huddersfield wareega shanaad, iyagoo sidookale Sevilla ku wajahaya wareega 16ka tartanka Champions League.

 

Mourinho has previously clashed with opposition managers on the touchline

 

Dhinaca kale tababare Jose Mourinho ayaa aaminsan inuu yahay tababaraha ugu aqlaaqda fiican ee ka shaqeeya horyaalka Premier League.

 

Mourinho ayaa si aad ah u xafiiltamayay sannadihii lasoo dhaafay, waxaana tababaraha reer Portugal uu horey ula dagaalamay macalimiin kale oo ka shaqeeya kubada cagta Ingiriiska.

 

Laakiin Mourinho ayaa sheegay inuu sameeyay dadaal uu ku hagaajinayo dabeecadiisa kadib markii uu hore ugu lug yeeshay rabshado ka dhacay gudaha garoomada.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS