HORDHAC: Chelsea vs Leicester- Drinkwater & Kante Oo Wajahaya Kooxdoodii Hore…


Chelsea ayaa dooneysa inay sideed kulan oo Premier League ah ku guuleysato garoonkeeda marka ay Leicester City soo booqaneyso caaewa.

Inkastoo ay sii xoogeysanayaan xilli ciyaareedkan, Chelsea ayaa ku bilaabatay qaab ciyaareed xun iyad haatan 16 dhibcood ka dambeysa kooxda hogaanka heysa ee Manchester City.

Ma jirto koox kasoo kabatay dhibco intaas la eg oo ku guuleysatay Premier League tan iyo Arsenal oo 13 dhibcood kasoo laabatay xili ciyaareedkii 1997dii.

Blues ayaa badisay seddexdii kulan ee ugu dambeysay Premier League oo ay la kulmeen Leicester City, waxaana ay 2-1 ku garaaceen kooxda martida loo ahaa kulankii koowaad ee xili ciyaareedkaan, markaasoo Alvaro Morata iyo N’Golo Kante shabaqa soo taabteeb.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Stamford Bridge

SAACADA: 6:00 PM

MAXAA CUSUB?

New signing Ross Barkley is expected to be fit to make his debut following a hamstring injury

Chelsea ayaa la rajeynayaa inay dib ugu yeerto kabtan Gary Cahill oo la nasiyay kulankii lugta hore ee semi-finalka Carapa Cup ee Arsenal, waxaana uu ku soo laaban karaa kulanka caawa.

Ross Barkley ayaa la filayaa inuu taam u noqdo kulankaan ka dib dhaawac muruqa ah looga saaray kulankii FA Cup-ka ee Chelsea la ciyaartay Norwich.

Jamie Vardy ayaa mar kale taam ah ka dib markii uu seegay kulankii FA Cup oo ay kooxdiisa la ciyaareen naadigiisii hore ee Fleetwood.

Weeraryahanka ayaa u safri doona Chelsea ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac gumaarka ah.

Wes Morgan iyo Danny Simpson ayaa labadoodaba dhaawac qaba iyadooRobert Huth sidookale seegayo kulankaan, laakiin Christian Fuchs iyo Vicente Iborra ayaa kusoo laaban kara shaxda Claude Puel kulanka Stamford Bridge.

XAQIIQADA KULANKA

Jamie Vardy is fit again after missing Leicester's FA Cup trip to his former club Fleetwood

Chelsea ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo kamid ah 11kii kulan ee ugu dambeyay oo ay la ciyaareen Leicester City Premier League.

Leicester City ayaa badisay kaliya hal kulan oo kamid ah 11kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ay booqdeen Stamford Bridge.

Tan iyo markii ay ku guuldarreysteen kulankii Man City bishii September, Chelsea ayaa badisay 7dii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaartay Premier League garoonkeeda, iyagoo seddex gool kaliya looga dhaliyey.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS