XOG: Hotelada Muqdisho oo Mashquul ah & Mooshinkii ugu Cuslaa oo Farmaajo & Kheyre loo wado…


Xog gaara oo ay heshay Xoghoose.com ayaa sheegeysa in Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ay kulamo is xiga xiga ku leeyihiin magaalada Muqdisho, iyagoo ka faa’iideysanaya mashquulka ay ku jirto dowlada Soomaaliya.

Xildhibaanadan ayaa fursad weyn u arka Madaxweyne Farmaajo iyo Masuuliyiin kale oo mashquul ku ah Socdaalka uu ku marayo qaar ka mid ah Gobalada dalka iyo Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka dhamaan la’ kulamo uu la qaadanayo beelo cabasho iyo hanjabaad iskugu daraya oo diidan golaha wasiirada.

Kulamadan Muqdisho ka dhacaya ee dowlada looga soo horjeedo ayaa laga cabsi qabaa in Mooshin culus lagu abaabulo kaas oo Farmaajo iyo Kheyre aysan waxba ka qaban karin.

Si kastaba ha ahaatee Hotelada Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan aad u buux dhaafiyay iyadoo la arkayo Xildhibaano iyo siyaasiyiin shirar kala goon gooni ku qaadanaya.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS