Siyaasiyiinta & Isimada Puntland oo si adag ugu jawaabay hadalkii ka soo yeeray Senator Faroole…


Siyaasiin ka soo jeeda gobalka Nugaal ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, kaas oo uu si adag ugu dhaliilay Madaxweynaha xilka kaga guuleystay sannadkii 2014-kii ee Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Siyaasiintan oo la hadlay warbaahinta ayaa kusifeeyey hadalkii Faroole mid gaf ku ah maqaamka guud ee siyaasadeed, waxayna sheegeen in uusan matali Karin waxgaradka, Cuqaasha iyo bulshada gobalka Nugaal.

 

Dr, Aadan Maxamed Ciise (Gaadaale) oo horey u soo noqday Musharax Madaxweyne-nimada Puntland ayaa kusifeeyey warkii shalay ka soo yeeray Faroole mid aan marnaba raali ka aheyn Waxgaradka iyo bulshada gobalkaas, ayna u arkaan mid aragtidiisa uu gaar u leeyahay.

 

Dr Gaadaale ayaa sheegay in difaaca dalka uu qof kasta waajib ka saaran yahay, ayna u arkayeen hadalkaas in uu hiil iyo gashan u yahay Somaliland uusana aheyn hadal loogu talogalay Shacabka Puntland.

Wasiirkii hore Amniga dawladda Puntland Xasan Cismaan Alloore oo horey uu xilka uga qaaday Madaxweyne Gaas ayaa kusifeeyey hadalka Senator Faroole mid aan khuseynin Shacabka Puntland.

 

Mr, Aloore ayaa sheegay in uu fikradiisa siyaasadeed u gaar tahay Faroole aysana jirin magaca gobalka Nugaal iyo bulshadeeda oo uu si gaar ah u adeegsan karro, wuxuuna kusifeeyey hadal u muuqday garab u ah duulaanka qaawan ee lagu soo qaaday mandiqada.

 

Wasiirkii hore ayaa sheegay in Tukaraq aysan waxba u jirin caasumada Puntland, cidda qabsatayna ay tahay cadowga Puntland oo ay wadajir uga hortagi doonaan.

 

Jawaabta ay jeediyeen labadan siyaasi ayaa kasoo hordhacday sidda ay wararku sheegayaan kulan ka dhici lahaa Xarunta maamulka gobalka Nugaal oo looga hadli lahaa jawaabta ku haboon warka kasoo baxay Madaxweynihii hore ee Puntland.

 

Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa shalay si adag uga hadlay dagaalka Tukaraq, isagoo ugu baaqay dhinacyada in ay joojiyaan dagaalada iyo xiligan oo ay Soomaaliya ka gudubtay marxalada dagaalka, balse wuxuu si adag ugu leexday oo wax uga sheegay Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS