SAWIRRO: Maxaad ka taqanaa Ciidamadii Daacish udiiday Iney weeraraan MD Farmaajo…


Ka sokow soo dhoweynta iyo damaashaadka aan hore loo arag ee madaxweynaha Soomaaliya loogu sameeyay maanta magaalada Boosaaso, waxaa barbar socday sugidda ammaanka madaxweynaha.

Ciidamo fara badan ayaa la dhigay agagaarka buuraha Galgala iyo wadada tagta magaalada Boosaaso oo si weyn ammaanka u sugayey, waxaana meel kasta ku sugnaa gaadiidka dagaalka iyo ciidamo ilaalo ah.

 

Waxaan abaalkooda la gudi karin Ciidanka geesiyaasha ah ee maanta buur iyo geed iyo god meel walba ugu jiray inay sugaan amniga wafdiga madaxwaynaha jamhuuriyadda fedaraalka soomaaliya oo Bosaso Gaaray maanta waxaa lagu hurdaa waa halyeeyada ciidamada naftood hurayaasha ah“ ayuu yiri Maxamuud Yuusuf Tigey guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug oo hadda ka mida Guddiga taakuleynta ciidamada Qalabka sida.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS