HORDHAC: Everton v Man Utd- Jose Mourinho Oo Weerar La’aan Xun Ku Bilowday Sannadka Cusub..


Jose Mourinho ayaa waxaa ka maqnaan doona Romelu Lukaku iyo Zlatan Ibrahimovic marka Manchester United ay u safreyso caawa kooxda Everton.

 

Lukaku ayaa seegi doona ugu yaraan labo kulan ka dib markii uu dhaawac jilibka kasoo gaaray kulankii Southampton, halka Ibrahimovic uu wajihi doono hal bil oo nasiino ah.

 

Paul Pogba ayaa sheegay in Manchester United ay dareensan tahay dhibaatada ay kala kulmi karaan maqnanshaha Lukaku, waxaana uu ku booriyay kooxda inay dib u soo ceshato tartanka Premier League.

 

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Goodison Park

 

SAACADA: 8:30 PM

 

MAXAA CUSUB?

Michael Carrick, Marouane Fellaini iyo Eric Bailly ayaa weli dhaawac ku maqan, iyadoo su’aal laga keenay taaam ahaanshaha Chris Smalling, Antonio Valencia iyo Matteo Darmian.

 

Everton waxay la socan doontaa xaalada James McCarthy iyo Yannick Bolasie ka hor inta aysan go’aansanin in labada ciyaaryahan lagu soo bilaabo kulanka Goodinson Park.

 

Idrissa Gueye ayaa mar kale ciyaari doona ka dib markii uu kasoo kabsaday dhaawac muruqa ah, iyadoo Leighton Baines iyo Ross Barkley ay weli dhaawacan yihiin.

 

XAQIIQADA KULANKA

Everton ayaa badisay afar ka mid ah sideedii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkooda kula ciyaareen Manchester United, ka dib markii ay badiyeen kaliya labo ka mid ah 19kii kulan ee ka horeeyay.

 

Haddii Manchester United ay badiso, waxay rikoor u dhigi doontaa kulamada Premier League ee hal koox laga badiyo kadib Aston Villa.

 

Shan ka mid ah todobadii gool ee ugu dambeeyay Man Utd ka dhalisay Everton tartamada oo dhan waxay yimaadeen 10ka daqiiqo ee ugu dambeysa.

 

Manchester United ma ilaashan shabaqa lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay marti aheyd, markii ugu dheereyd oo aysan shaba difaacan waxay aheyd December 2013 markaasoo 10 kulan xiriir ah goolal laga dhaliyay.

 

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS