HORDHAC: Crystal Palace v Man City- Wiilasha Laga Badin Waayay Ee Sky Blue Oo Isha Ku Haya Guushoodii 19aad Ee Premier League…


Manchester City ayaa isha ku heysa soo laabashada Vincent Kompany, Fabian Delph iyo John Stones ka hor kulanka maanta ee Crystal Palace.

 

Guusha City ee kulankan ayaa ka dhignaan doona in ay sii wadi doonto rikoorka guulaha oo ay u dhigeysaa kooxaha ka dhisan shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub.

 

City ayaa barbareyn doonta haddii ay badiyaaan kulankaan rikoorkii guulaha xiriirka ahaa ee Bayern dhigtay xilli ciyaareedkii 2013/14.

 

Manchester City ayaa dhalisay 61 gool 20 kulan oo horyaalka ah, laakiin Guardiola ayaa ka hor shirkiisa jaraa’id ee ka horeeyay kulanakan ku amaanay guulaha kooxdiisa daafaca Nicolas Otamendi.

 

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Selhurst Park

 

SAACADA: 3:00 PM

 

MAXAA CUSUB?

Kabtanka kooxda City Kompany ayaa soo laaban kara, halka daafaca dambeedka bidix ee Delph uu kasoo laaban karo dhaawac muruqa ah.

 

Daafaca dhexe ee England Stones ayaa haatan kusoo laabtay tababarka ka dib 11 kulan oo uu ku maqnaa dhaawac muruqa ah.

 

David Silvaoo seegay seddex kamid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ayaa shaki laga muujinayaan taam ahaanshihiisa, iyadoo Benjamin Mendy iyo Phil Foden weli maqan yihiin.

 

Kooxda Crystal Palace waxaa shaki ka qaba Yohan Cabaye kaasoo jug ay kasoo gartay ciyaartii Arsenal ee dhacday khamistii.

 

Hadii ciyaaryahanka khadka dhexe uusan taam u aheyn inuu kusoo bilowdo, waxaa la filayaa inuu bedelo James McArthur oo qaab ciyaareed wanaagsan kujira.

 

Joel Ward ayaa la dhibtoonaya dhaawac gumaarka ah, laakiin waxa uu weli kusoo laaban karaa taam ahaansho rasmi ah.

 

XAQIIQADA KULANKA

 

Palace ayaa badisay kaliya hal kulan oo kamid ah 11kii kulan ee ugu dambeyay Premier League oo ay la ciyaareen Man City, waxaana laga badiyay 10 kale.

 

City ayaa ku badisay labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay wajahday Crystal Palace min 5-0, kaliya hal jeer ayay seddex kulan oo isku xigta min 5-0 ku garaaceen intii u dhaxeysay Febraayo 1937 iyo Janaayo 1938.

 

Citizen ayaa shabaqa ilaashatay todobo kamid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeyay ee Premier league oo ay la ciyaareen kooxda Crystal Palace

 

Haddii City ay badiso kulankaan, waxay badin doonaan sideedii kulan ee ugu dambeysay oo ay wajahday Crystal Palace tartamada oo dhan.

 

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS