Xiddigaha Puntland oo u soo baxday Finalka Tartanka Kubadda Cagta maamul gobolleedyada….


Kooxda xafidaneysa koobka Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa sanadkii labaad u soo baxday Finalka tartanka kaddib markii ay 1-0 ku martay martigaliyaasha Banaadir, iyadoo qeybtii hore ee cayaarta lagu kala baxay 0-0

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad waliba daqiiqadaha dambe Yacquub ayaa dhaliyay gool aan innaba caadi ahayn isagoo kubadda la dhaafay labo ka mid ah daafacyada Banaadir islamarkaana shabaqa dhex dhigay.

Fursado kale ayay sameeyeen Puntland waxayna bilow iyo dhammaad ciyaarta u muuqdeen kuwa guul soo hoyn kara kulanka.

Puntland ayaa iminka sugeysa cidda ka soo baxda Koofur Galbeed iyo Jubbaland oo berito ciyaari doona.

Ciyaarta kama danbeysta ah ayaa dhici doonta Jimcaha todobaadkan.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS