Waxaa maxay darajada ay Cristiano Ronaldo iyo Harry Kane wada gaareen?


Cristiano Ronaldo iyo Harry Kane ayaa darajo isku mid ah wada gaareen kadib markii min labo gool ay dhaliyeen kulamadii ugu dambeeyay ay cayaareen.

 

Ronaldo iyo Kane waxay ka siman yihiin sanadkaan 2017 ee gabo gabo ku dhow inay min 50-gool dhaliyeen dhamaan tartamada kala duwan.

 

Ronaldo ayaa labo gool ka dhaliyay naadiga Sevilla kulankii ugu dambeeyay Real Madrid 5-0 ku xaaqday cayaar ka tirsaneyd La Ligaha halka Kane isagana labo gool ka dhaliyay Stoke cayaar Spurs 5-1 guusha ku qaadatay EPL.

 

Ronaldo iyo Kane waxay noqdeen cayaartooyda 4-aad iyo 5-aad ee sanadkaan 2017 darajada 50-gool gaaraan dhamaan tartamada kala duwan.

 

Fadlan hoos kaga bogo xidigaha 50-gool iyo ka badan sanadkaan 2017 dhaliyeen heer naadi iyo qaran marka la isku daro:

 

52-gool Robert Lewandowski (51-kulan, kulan walbo 1.02-gool ayuu dhaliyaa)

 

52-gool Lionel Messi (61-kulan, kulan walbo 0.85-gool ayuu dhaliyaa)

 

51-gool Cristiano Ronaldo (57-kulan, kulan walbo 0.89-gool ayuu dhaliyaa)

 

51-gool Edinson Cavani (59-kulan, kulan walbo 0.86-gool ayuu dhaliyaa)

 

50-gool Harry Kane (48-kulan, kulan walbo 1.04-gool ayuu dhaliyaa)

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS