Sergi Roberto, Javier Pastore iyo xidigaha Man United bisha Janaayo dooneyso…


Macalinka kooxda Man United Jose Mourinho 80-milyan oo pound ayay u balan qaadeen madaxda garoonka Old Trafford si uu bisha Janaayo saxiixyo dheeraad ah u sameeyo.

 

Macalin Jose Mourinho cayaartooyda uu bisha Janaayo doonayo waxaa safka hore kaga jiray Leon Goretzka balse xidigaan dhaawacan jab lugta hoose kasoo gaaray ayaa sababay inuu labo bilood garoomada ka maqnaan doono.

 

Sidaa darteed The Mirror ayaa qortay in Man United bartilmaameed ka dhigan doonto Sergio Roberto oo Barcelona ka tirsan madaama khadka dhexe iyo garabka midig daafaca ka cayaari karo.

 

Madaama Mikhtiryan hoos u dhac joogto ah sameenayo Man United waxay la xariirtay Javier Pastore oo ah kubad sameeye PSG boos joogto ah ka heesanin sidoo kalena doonayo inuu bisha Janaayo caasimada France isaga tago.

 

Leander Dendoncker oo khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Anderlecht sidoo kalena 22-jir ah ayaa la sheegay in Man United dabagal ku heyso waxaana lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay dhalinta Yurub kuwooda khadka dhexe ugu wanaagsan.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS