LA OGAADAY: Paris Saint-Germain Oo Xiriir La Sameysay Tababarihii Bedeli lahaa Unai Emery…


Paris Saint-Germain ayaa durbadiiba raadineysa inay bedesho tababare Unai Emery, iyadoo madaxweynaha kooxda Nasser Al-Khelaïfi uu xiriir la sameeyay tababare Luis Enrique sida lagu qoray maanta wargeyska L’Equipe.

 

Luis Enrique ayaa ahaa macalinkii xilli ciyaareedkii hore ka reebay tartanka Champions League kooxda PSG, oo natiijada lugta hore ku badisay 4-0.

 

Ka dib qaab ciyaareedka xun ee kooxda ka dhisan Paris, PSG ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso dalabyo ay u dirto macalimiinta Massimiliano Allegri, Antonio Conte, Diego Simeone iyo José Mourinho.

 

Lakiin shaqsiga ugu dhaw oo ay heli karaan waa tababaraha haatan shaqo la’aanta ah ee Luis Enrique, kaasoo xiriir aad u fiican la leh maamulka PSG.

 

Luis Enrique ayaa xiriir joogta ah la leh madaxweynaha kooxda PSG Nasser Al-Khelaïfi oo aan ku qanacsaneyn qaab ciyaareedka tababare Unai Emery.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS