Fallnaqeynta Kulanka Xiisaha & Xamaasada Leh Ee Merseyside derby Ee U Dhaxeeya Liverpool vs Everton..


Liverpool ayaa ciyaareysa kulankii 280aad ee Merseyside derby, iyadoo soo dhaweyn doonta Everton oo qaab ciyareedkii ugu xumaa horyaalka Premier League kujirta.

 

Liverpool waxa ay dhaliyeen 15 gool seddexdii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, waana heerkii ugu wanaagsanaa xili ciyaareedkaan.

 

Everton oo dib u soo noolaaneysa ayaa safar gaaban ku tageysa galabta Anfield, iyadoo tababare Sam Allardyce uu ka warqabo in guuldarro ay kala kulmaan kooxda ay xafiiltamaan dhibaatada ku tahaya kooxdiisa.

 

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA:  Anfield

 

SAACADA: 5:15 PM (GALABNIMO)

 

MAXAA CUSUB?

Klopp ayaa shaaca ka qaaday in Alberto Moreno uu ka maqnaan doono kooxdiisa ka dib dhaawac canqowga ah oo kasoo gaaray kulankii Spartak Moscow.

 

Midkood James Milner ama Andrew Robertson ayaa kusoo laaban doona daafaca bidix, halka Jordan Henderson ay u badan tahay inuu dib usoo laabto ka dib markii la nasasiiyay kulankii bartamihii isbuucii hore.

 

Klopp ayaa go’aansaday inuu sii wato qorshihiisa afarta xiddig ee weerarka, iyadoo Alex Oxlade-Chamberlain iyo Daniel Sturridge ay ku soo bilaaban doonaan kursiga keydka, laakiin Joel Matip ayaa ku seegi doona kulankaan dhaawac bowdada ah.

 

Tababare Allardyce ayaa go’aansan kara in Keane uu dib ugu yeerayo daafaca Everton, halka midkood Tom Davies ama Morgan Schneiderlin ay u badan tahay inay la wadaagaan Idrissa Gueye bartamaha garoonka.

 

Ademola Lookman oo dhaliyay labo gool kulankii Europa League kooxda Everon ka badisay Apollon Limassol, ayay macquul tahay in lagu soo bilaabo ciyarta galabta.

 

XAQIIQADA KULANKA

Kulanka galabta ayaa ah kii 280aad ee labada kooxood, iyadoo Liverpool ay 117 kulan marka la barbardhigo Everton oo guuleysatay 82 kulan oo kaliya.

 

Liverpool ayaan laga badinin 14kii kulan ee ugu dambeyay tartamada oo dhan oo ay la ciyaareen Everton waana heerkoodii ugu fiicnaaa tan iyo intii u dhaxeysay March 1972 iyo April 1978).

 

Everton ayaa iyadana aan wax guul ah gaarin 17 kulan oo Premier League ah oo ay booqatay Anfield, waxaana ugu dambeysay in ay ku badisaa garoonka Reds markii ay 1-0 guul ah ku gaareen bishii Sebtember 1999.

 

Xaqiiqdii, Everton ayaa badisay kaliya hal kulan 21kii kulan ee ugu dambeyay oo ay ka hor yimaadaan Liverpool, guushaas ayaa timid bishii October 2010kii.

 

SAFAFKA MACQUULKA AH

Liverpool: Mignolet; Gomez, Klavan, Lovren, Milner; Can, Henderson, Wijnaldum; Coutinho, Salah, Firmino

 

Everton: Pickford; Kenny, Keane, Williams, Baines; Gueye, Davies; Lennon, Rooney, Sigurdsson; Calvert-Lewin

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS