Jose Mourinho oo weerar toos ah ku qaaday ciyaartoyda Man City: “Waa khiyaano badan yihiin ee arrintaan halaga ilaalsho”


Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa weerar toos ah ku qaaday ciyaartoyda kooxda Manchester City ka hor kulanka weyn ee Manchester derby kana tirsan horyaalka England Premier League kaasoo Axada ka dhici doona garoonka Old Trafford.

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa wuxuu horraantii xilli ciyaareedkaan weerar ku qaaday xiddiga Man City Raheem Sterling, halka tababaraha kooxda Burnley Sean Dyche uu ku eedeeyey kubadsameeyaha reer Portugal Bernardo Silva inuu istuuray si rigoore uu ugu guuleysto. Fernandinho ayaa sidaas oo kale loo dhaleeceeyey kulankii ay Man City wajahday Huddersfield Town isagoo istuuray.

Raheem Sterling waa xiddiga ugu halista badan Man City marka ay timaaddo dhanka jilliinka iyo istuurtuurka

Mourinho ayaana ku tilmaamay khiyaanooleyaal ciyaartoyda kooxda Man City ka hor kulanka 175aad ee Manchester derby, isagoo yiri: “Haddii aad i weydiiso hal sheey oo aanan jecleyn, waxaan kuu sheegayaa inuu yahay inaan si sahal ah u lumiyo isku dheellitirnaanta awooddeyda.

“Ciyaartoyda Man City waa kuwo aad u khiyaano badan, si sahal ah ayeyna isku tuurtuuraan marwalba.”

Bernardo Silva ayaa si kas ah isku tuuray si uu rigoore u helo kulankii ay Man City la ciyaartay Burnley inkastoo uusan taaban goolhaye Nick Pope
Fernandinho ayaa jaalle la siiyey markii uu isku deyey inuu garsoorka khiyaano iyadoo uusan taaban xiddiga Huddersfield Town Rajiv van La Parra

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS