AMISOM Oo Si Ka Duwan Sidii Hore Uga Shaqeyneysa  Magaalada Muqdisho…


Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa hadda shaqadooda waxay ku bilaabeen iney aad u dardargeliyaan, gaar ahaan kuwa Booliiska ah.

Wixii ka dambeeyay shirkii dhowaan ka dhacay Xalane, Booliiska AMISOM ayaa la arkayaa iyaga oo waddooyinka Muqdisho shaqooyin badan ka wada, sida howlgallada iyo wax walbo oo amniga ku saabsan.

Isgoysyada Muqdisho ayaa lagu arkayaa ciidamo badan  oo AMISOM ah, waxaana isgoyska Zoobe hareerihiisa si aan kala tag ahayn u fariista Booliiska AMISOM.

Amniga Muqdisho ayaa la doonayaa in markaan isbedal badan lagu sameeyo iyadoo ciidamada kala duwan la howlgeliyey

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS