Man United wax racfaan ah kama qaadan doonto casaankii Pogba la siiayy…


Kooxda Man United ayaa sheegtay inaysan wax rafcaan ah ka qaadan doonin cayaaryahan Paul Pogba casaankii la siiyay kulankii United 3-1 guusha kaga qaadatay Arsenal.

 

Pogba oo 24-jir ah hubaal ahaan wuxuu seegi doonaa kulanka Manchester Derby ee United garoonka Old Trafford kula cayaareyso Man City.

 

Madaama Man United wax racfaan ah ka qaadan doonin casaanka Pogba haatan ganaaxiisa sedexda kulan tooska ah ayuu wajihi doonaa labada kulan ee kale marka City laga soo tago wuxuu seegi doonaa kulamada Bournemouth iyo West Brom.

 

Man United 8-dhibcood ayay ka hooseeyaan kooxda Man City waxayna doonayaa Axada dambe Pogba oo ka maqan inay meel saaraan kooxda ay deriska yihiin waa hadii ay u suura gasho sida ay damacsan yihiin.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS