FALLANQEYNTA GROUP B: Bayern Munich v Paris Saint Germain, Celtic v Anderlecht- Paris & Munich Oo Ku Dagaalamaya Kaalinta Koowaad Ee Group-ka..


Tababaraha Bayern Munich Jupp Heynckes ayaa sheegay in James Rodriguez uu kusoo bilaaban doono kulanka kooxda hogaamineysa Bundesliga caawa la ciyaareyso PSG.

 

Labada koox ayaa hore u xaqiijiyay in ay usoo baxeen wareega 16ka Champions League, laakiin Paris Saint-Germain ayaa booqaneysa Allianz Arena iyadoo u baahan kaalinta ugu sareysa ee Group B.

 

OGEYSIISKA CIYAARTA

 

GAROONKA: Allianz Arena

 

SAACADA: 10:45 PM

 

MAXAAA CUSUB?

 

“Todobaadkii hore waxaa tababarka buuxa kusoo laabtay Ribery, waxaana loogu yeeri doonaa ugu yaraan daqiiqado kamid ah kulanka caawa.

 

Kooxda Munich ayaan dhaawacyo kale qabin, waxaana uu xaqjiiiyay tababaraha lagu magcaabo Jupp Heynckes inuu kusoo bilaabanayo  James Rodriguez.

 

PSG ayaan qabin wax dhaaawac ah kulanka ay usafrayaan caaawa kooxda Bayern Munich, iyadoo saddexda weerar ee Mbappe, Neymar iyo Cavani diyaar u yihiin kulankaan.

 

XAQIIQADA KULANKA

 

Bayern waa inay garaacdaa PSG, si ay ugu dhameysato kaalinta ugu sareysa Group B.

 

Bavarians ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkooda kula ciyaareen kooxda Paris, waxaana ay celcelis ahaan markii ugu dambeysay kaga badiyeen 7-1.

 

Robert Lewandowski ayaa u dhaliyay 19 gool tartamada oo dhan Bayern Munich xilli ciyaareedkan, waxaana kujira goolashaas kuwo uu ka dhaliyay tartanka champions League.

 

Bayern Munich ayaa loo caleemo saaray tartanka yurub shan jeer, waxaana ugu dambeyay xilli ciyaareedkii 2012/13.

 

Bayern ayaan looga badinin garoonka Allianz Arena tan iyo markii uu Heynckes kusoo laabtay tababarka kooxda.

 

Neymar ayaa dhaliyey 15 gool 17 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan tan iyo markii uu kusoo biiray kooxda PSG.

 

SAFAFKA MACQUULKA AH

 

Bayern: Ulreich – Kimmich, Boateng, Hummels, Alaba – Martinez, Vidal – Coman, James, Müller (c) – Lewandowski

 

PSG: Areola – Alves, Marquinhos, Silva (c), Kurzawa – Verratti, Rabiot, Draxler – Mbappe, Neymar, Cavani.

 

Dhinaca kale Celtic iyo Anderlecht ayaa ku kulmaya isla group-kaan caawa, labada koox waxay isaga hareen tartanka.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS