FALLANQEYNTA GROUP A: Man Utd v CSKA Moskva, Basel v Benfica- United Dhibic U Baahan Si Ay U Xaqiijiso Wareega 16ka…


Manchester United waxay u baahan tahay dhibic kulanka ay garoonkeeda ku wajaheyso caawa kooxda CSKA Moscow si ay ugu soo baxaan kaalinta ugu sareysa ee Group A.

 

kooxda Jose Mourinho ayaa u baahan inay iska ilaaliso guuldaro si ay u xaqiijistaan booskeeda wareega 16ka.

 

Dhinaca kale Basel, oo u safreysa Benfica isla caawa, ayaa u baahan guul weyn si ay u xaqiijistaan booskooda wareega knockout-ka.

 

OGEYSIISKA CIYAARTA

 

GAROONKA: Old Trafford

 

SAACADA: 10:45 PM

 

MAXAA CUSUB?

 

Fursada ah in laga takhaluso United ayaa ah mid cakiran, Mourinho ayaana nasin doona goolhaye David de Gea, ka dib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa kulankii Arsenal ee Sabtidii.

 

Tababaraha United ayaa xaqiijiyay in Sergio Romero uu ku soo bilaaban doono kulankaan, iyadoo Joel Pereira kursiga keydka fariisan doono.

 

Daafaca dambeedka bidix ee Luke Shaw ayaa ku jira line-upka United markii ugu horeeyay tan iyo bishii October, halka Paul Pogba oo ganaax ku maqnaan doona kulanka axada ee Premier League kooxdiisa la qaadaneyso Manchester City uu diyaar u yahay ciyaarta caawa.

 

Eric Bailly, Phil Jones, Marouane Fellaini iyo Michael Carrick ayaa dhamaantood dhaawac ku seegi doona kulankaan, waxaana kulankaan si dhaqso ah ugu soo laaban doona safka weerarka Zlatan Ibrahimovic.

 

XAQIIQADA KULANKA

 

CSKA Moscow ayaa guul la’aan ah shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaareen Man Utd, dhamaanba wareega Group-yada Champions League ayay ahayeen kulamadaas.

 

Waxay sidoo kale ku guuldareysteen inay shabaqa ilaashadaan shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaareen United.

 

Man Utd ayaa laga badiyay kaliya labo ka mid ah 48kii kulan ee ugu dambeysay Champions League oo ay ku ciyaareen Old Trafford.

 

CSKA Moscow ayaa ku guuldareysatay inay gaarto wareega isreebreebka Champions League afartii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay.

 

kooxda Russia Markii ugu dambeysay oo ay gaaraan 16kii sanno ee ugu dambeysay wareega 16ka waxay aheyd xilli ciyaareedkii 2011/12.

 

SAFAFKA MACQUULKA AH

 

Man United: Romero; Darmian, Lindelöf, Blind, Shaw; McTominay, Pogba; Mata, Mkhitaryan, Rashford; Lukaku.

 

CSKA: Akinfeev; Mario Fernandes, V Berezutski, Vasin, Ignashevich, Nababkin; Dzagoev, Golovin; Gordyushenko; Vitinho, Zhamaletdinov

 

Isla Group-kaan waxaa caawa ku ciyaaraya Bael iyo Benfica, labada koox Basel ayaa guul u baahan si ay ugu soo baxaan kaalinta labaad ee Group-ka.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS