Tababaraha xulka Masar Héctor Cúper oo Salah ku riixayo ku biiritaanka Real Madrid…


Macalin Héctor Cúper wuxuu saaxiib dhow la noqday Mohamed Salah oo sabab u ahaa xulka Masar inay koobka aduunka usoo baxaan mudo 28-sano kadib.

Macalin Héctor Cúper ayaa sheegay in Salah aadi doono naadiga Real Madrid sidoo kalena suura gal ahayn inuu kooxda Liverpool ku nagaado.

Macalinka reer Argentina ee gudaha Spain kasoo shaqeeyay waqti wacana lasoo qaatay kooxaha Real Mallorca iyo Valencia wuxuu yiri “Ilo aan aad ugu kalsoonahay ayaa ii sheegeen in Real Madrid ahmiyad gaar ah siin doonto sidii Salah ay gacanta ugu soo dhigi laheyd”

Macalinkaan waaya araga ah oo la hadlaayay Tv-ga Masar laga leeyahay ON Sports TV wuxuu hadalkiisa sii raacsaday “Hada looma baahno Salah inuu qaado talaabo deg deg ku dheehan waayo waqti heer sare ah ayuu kooxda Liverpool ku qaadanayaa”

Salah ayaa Liverpool kula jiro qandaraas ku eg xagaaga 2022 asigoo xagaagii dhawaa Roma kasoo tagay balse waxaa siweyn la isla dhex maraa in Reds xidigaan lumin doonto dhanka Real Madrid-na uu aadi doono.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS