Kooxaha Premier League Oo Wakiilo Qaas Ah U Diyaariyay Kulanka Chelsea Soo Dhaweyneyso Habeen Dambe Atletico Madrid & Sababta Oo La Shaaciyay,,,


Atletico Madrid ayaa u baahan inay garaacdo Chelsea toddobaadkaan marka ay London ku ciyaareyso kulan katirsan tartamada Champions League.

Kooxda reer Spain ayaa u baahan guul ay ku xaqiin karto marxalada wareega 16ka markii shanaad oo isku xiga.

Laakiin dhanka kale dhaqaale xumida heysata Atletico oo 310 milyan euro ku dhisatay garoonkeeda cusub ee Wanda Metropolitano horaantii xilli ciyaareedkaan ayaa ku qasban in ay iska iibiso Griezmann.

Kooxo dhowr ah oo ay hogaamineyso Manchester United ayaa wakiilo usoo diri doona Griezmann oo lagu qiimeeyo 100 milyan oo euros marka uu ku ciyaarayo garoonka kooxda Chelsea.

Sidokale kooxaha kale ee Premier League ee Chelsea, Arsenal iyo Liverpool ayaa isku dayi doona in ay ka faa,iideystaan fursada ay kula hadli karaan ciyaaryahanka ka hor inta uusan ka laaban London.

Griezmann ayaa hogaamin doona kooxda Atletico Madrid oo habeenka talaadada ah kulan katirsan Champions League la ciyareysa kooxda Chelsea.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS