Kadib Kulamadii 15-aad Ee Horyaalka Premier League Isbuucaan Maxaa Iska Bedelay Miiska Kala Sareynta Horyaalka?


Seddexda kooxood ee ugu sareysa horyaalka waxba iska bedelin kulamadii la ciyaaray isbuuca 15aad ee horyaalka Premier League, iyadoo Manchester City ay weli sideed dhicbood ku hogaamineyso horyaalka iyagoo leh 43 dhibcood.

City ayaa lagu qasbay inay u dagaalamaan guushii ay shalayto ka gaareen kooxda West Ham ka dib markii gool looga hormaray ay jawaab ka bixiyeen Nicolas Otamendi iyo David Silva.

Kooxda Manchester United ayaase weli ku daba jirta deriskooda Manchester City ka dib markii ay isbuucaan 3-1 kaga badiyeen kooxda Arsenal oo marti loogu ahaa Emirates Stadium, waxaana ay leeyihiin 35 dhibcood. Laakiin farqiga u dhaxeeya labada kooxood ee Manchester ka wada dhisan ayaa isbedel uu ku imaan karaa marka ay kulanka Manchester Derby isbuuca soo socda ku dheelaan garoonka Old Trafford.

Kooxda kaalinta seddexaad ee Chelsea ayaa iyagana ka soo kabsaday gool looga hormaray islamarkaana 3-1 ku garaacay kooxda Newcastle oo marti ku aheyd Stamford Bridge. Chelsea waxa ay leedahay 32 dhibcood, waxa ay seddex dhibcood ka danbeeyaan kooxda kaalinta labaad ee United, halka ay 11 dhibcood ka danbeeyaan kooxda horyaalka hogaamineysa ee Man City.

 

Kooxda Liverpool ayaa isbuucaan u soo booday kaalinta afaraad ka dib markii ay 5-1 ku xasuuqeen kooxda Brighton islamarkaana Arsenal oo booskaas ku jirtay ay guuldarro ka soo gaartay Man United. Reds waxa ay leeyihiin 29 dhibcood, waxaana ay hal dhibic ka sareeyaan kooxda kaalinta shanaad u dhacday ee Gunners. Halka kooxda Tottenham uu weli hoos u dhac ku socdo iyagoo ku jira kaalinta lixaad waxaana ay leeyihiin 25 dhibcood.

Isbuuca soo socda kulanka ugu weyn waa Manchester Derby markaasoo kooxaha United iyo City ay ku kulmayaan Old Trafford taasoo wax ka bedeli karta faqriga ay hogaanka ku heyso kooxda Pep Guardiola. Kooxda kaalinta 3aad ee Chelsea ayaa ka hor kulankaas fursad u heli doonta inay ku dhibco noqoto Man United marka ay u safrayaan kooxda West Ham.

 

Kooxda Liverpool ayaa isbuuca soo socda u dagaalami doonta inay ceshato booskeeda kaalinta afaraad laakiin waxaa horyaala kulan adag oo Merseyside Derby ah oo ay martigelinayaan kooxda deriskooda ee Everton maalinta Axada, halka Arsenal oo ciyaareysa saacado ka hor kulanka Merseyside Derby ay fursad u heli doonto inay si ku meel gaar ah u fariisato kaalinta afaraad marka ay u safrayaan kooxda Southampton.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS