Miyuu Ozil Ku biirayaa Man United? Ugu Dambeyn Mourinho Oo Ka Jawaabay Xanta Suuqa Kala Iibsiga…


Jose Mourinho ayaa diiday inuu ka hadlo suurtagalnimada kooxdiisa kula soo wareegi karto xiddiga Arsenal ee Mesut Ozil.

Ozil ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana 29 jirkaan lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo kooxda Manchester United iyo kooxda ka dhisan La Liga ee Barcelona.

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa la weydiiyay ka hor kulanka caawa ee Arsenal haddii uu u dhaqaaqayo kubadsameeyaha Gunners Ozil si uu kaga dhigo bedelka Henrikh Mkhitaryan, laakiin Mourinho ayaa diiday inuu ka jawaabo.

 

Ozil ma ahan ciyaaryahanka kaliya ee Arsenal ah ee kujira bilihii ugu danbeeyay qandaraaskiisa, iyadoo xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Alexis Sanchez uu diyaar u yahay inuu ka tago kooxda.

 

Manchester United tababaraheeda Jose Mourinho ayaa hore u muujiyay xiisaha uu u qabo kubadsameeyaha Germany iyo koxda Arsenal Mesut Ozil.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS