Gareth Bale oo markiisii 26aad dhaawac soo gaaray, kulamada oo seegi doono & Waxa laga yiri mustaqbalkiisa!


Mustaqbalka Gareth Bale ee kooxda Real Madrid ayaa markale mudgi galay ka dib markii uu dhaawac horleh soo gaaray xiddigaan.

Sida laga soo xigtay shabakadda TMW, xiddiga heerka caalami ee dalka Wales ayaa waxaa soo gaaray dhaawiciisii 26aad tan iyo markii uu kusoo biiray Real Madrid sannadkii 2013kii.

Bale ayaa garoomada kusoo laabtay bartamihii Isbuucaan kulankii ay Real Madrid wajahday kooxda Fuenlabrada ee tartanka Copa del Rey ka dib markii uu garoomada ka maqnaa labadii bilood ee lasoo dhaafay.

28 sanno jirkaan ayaase dhaawac uu kasoo gaaray ciyaartaas, wuxuuna haatan seegi doonaa kulanka ay kooxdiisa Real Madrid horyaalka La Liga ku wajaheyso kooxda Athletic Bilbao.

 

Bale dhaawacaani uma wanaagsana, waxaana uu ka dhigan yahay inuu mustaqbalkiisa Los Blancos shaki gelinayo, iyadoo xiddigaani uu seegay boqolkiiba 43 kulamada kooxdiisa tan iyo markii uu kusoo biiray Santiago Bernabeu Stadium.

Bale wuxuu guud ahaan seegay 80 kulan, sida ay tebineyso shabakadda TMW. Shabakadda Talyaaniga ah Transfermarkt ayaa intaas ku dareysa in 14 ka mid ah 26ka dhaawac ee Bale soo gaaray mudadaas ah ahaayeen kuwo kuwoo laabtay

Inkastoo uu taageere ka heysto tababare Zinedine Zidane waxay u badan tahay in xagaaga soo aadan laga iibin doono Manchester United oo muddo dheer xiiso u qabtay, halka Real Madrid ay bedelkiisa soo qaadaneyso Eden Hazard.

 

Dhanka kale, Real Madrid ayaa ka baxday loolankii ay ugu jirtay saxiixa weeraryahanka RB Leipzig Timo Werner maadaama uu xiddigaani dhibaato maqalka ah qabo, lamana wareegi doonto bisha Jannaayo.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS