Antonio Conte oo ganaaxii FA-gu duldhigeen ka dib kansalay xafladdii dhalasho ee xaaskiisa, ka dibna la feeray!


Antonio Conte ayaa daaha ka qaaday inuu kansalay xafladdii dhalashada ee xaaskiisa ka dib markii ay Xiriirka Kubadda Cagta England ee FA-ga magacooda loo soo gaabiyo ay duldhigeen ganaax 8 kun oo ginni ah.

 

Tababaraha Chelsea ayaa Arbacadii tarabuunka loo diray ciyaartii ay Chelsea guusha 1-0 ah ka gaartay kooxda Swansea City, waxaana la ganaaxay 8 kun oo ginni, taasoo keentay inuu kansalo xafladdii dhalashada ee xaaskiisa Elisabetta Muscarello.

 

Conte ayaa aqbalay dacwaddii lagu soo oogay isla markaana raalligelin ka bixiyey inuu ku qeyliyey garsooraha afaraad Lee Mason, taasoo keentay inuu tarabuunka u diro garsooraha koowaad ee kulankaas Neil Swarbrick.

 

Conte ayaana yiri: “Markii aan guriga ku laabtay xaaskeyga ayaa iga carootay. Laba maalin ayaa dhalashadeeda ka dhimmaneyd, waxaana u sheegay in aanan hadiyad usoo iibin doonn maadaama la i ganaaxayo”.

 

Markii wax laga weydiiyey bararka iyo casaanka ka muuqday ishiisa bidix wuxuu ku jawaabay: “Isheydaa? Haa, xaaskeyga ayaa iga feertay”.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS